10/08/2026
๐ช๐ฎ๐ฟ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ต๐ถ๐ป ๐น๐ฎ๐ด๐ฎ ๐น๐ฒ๐ฒ๐๐ฎ๐ต๐ฎ๐ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐๐ธ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ผ๐ผ ๐ ๐ธ๐๐๐ฟ-๐ด๐ฎ๐๐ต๐ฎ๐ ๐ด๐๐๐
๐ฎ ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ. [๐ช๐๐ฅ๐๐๐ซ๐๐ก]
Warbaahinta Maraykanka ee Lawfare Media oo dhawaan booqatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ka guulaysteen dhammaan jallaafooyinkii caalamiga ahaa ee loo dhigay, halka hawl-galka AUSSOM uu wajahyo xaalad halis ah oo aan h**ey loo arag.
Warbixintu waxay xustay in fashilka ku yimid duullaanka muddada badan ka socday dalka Soomaaliya uu sabab u noqday in dalalka reer-galbeedku ay haatan dibu-gurasho bilaabaan, iyadoo Maraykanku uu si rasmi ah u shaaciyey inuu joojinayo taakuladii uu siin jiray ciidamada AUSSOM.
Sida ay ka shanqarisay Lawfare Media, waxa aad u soo dhawaaday wakhtigii ay Soomaaliya ka bixi lahaayeen ciidamada AUSSOM, maadaama bilaha soo socda ay meesha ka bixi doonaan tiirarkii iyo taageeradii dibadda ee labaatanka sano lala garab taagnaa DF Soomaaliya.
Masโuuliyiin la safan mucaaradka, xubno ka tirsan bulshada rayidka, falanqeeyayaal iyo qaar ka mid ah bulshada caalamka ayay Lawfare Media sheegtay inay aaminsan yihiin in haba yaraatee wax iska dhimay uusan jirin saamayntii Al-Shabaab ku lahayd gudaha magaalada Muqdisho.
"Waxay ku adkaysanayaan dadkan kala duwan ee aanu la kulanay, in kooxdu ay si fudud u waddo ciyaar dheer oo dulqaad ku dhisan, sida ay h**eba u samaysayโฆโ Ayay tiri Lawfare Media, iyadoo intaa ku dartay in aragtidani ay ka turjumayso xeelad ay soo kordhiyeen jihaadiyiintu.
Iyadoo Maraykanku uu sii laba-jibbaaray duqaymaha uu ka wado Soomaaliya, haddana jihaadiyiintu waxay aaminsan yihiin ayay tiri warbixintu, in si kastoo ay u socdaan weerarradaasi ay gunaanadka kusoo idlaan doonaan natiijo laโaan, sida laga bartay saaxadda dagaalka Soomaaliya.
Saamayn xooggan ayay warbixintu xustay in jihaadiyiintu ku leeyihiin gudaha Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku hayaan dhul aad u ballaaran oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyagoo ka badbaadday olole kasta oo lagula dagaallamay.
"Goโaanka Washington ee ah inuu hor istaago cusboonaysiinta taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ay siiso AUSSOM wuxuu meesha ka saaraya tiirkii dhaqaale ee ciidamada Midowga Afrika, xilli howlgalka guud ahaanba uu wajahayo dhaqaale yari.โ Ayay tiri warbixintu.
Arrintaas waxaa sii xumaynaya ayay tiri warbixintu, in bulshada caalamku aysan hadda awood u lahayn inay si la mid ah sidii h**e u dhex-dhexaadiso daba-dhilifyada Soomaaliya, gaar ahaan maqnaanshaha hoggaan Mareykan ah.
Lawfare Media waxay xustay in wakhti-xaadirkan Maraykanku uusan safiir ku lahayn Muqdisho, halka xilka wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo markii ugu dambaysay uu hayay safiir Mareykan ah, uu hadda bannaan yahay.