Abuu muscab

Abuu muscab Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abuu muscab, Historical Tour Agency, km5, Kabul.

Shariif Sheekh Axmed ayaa Xasan Sheekh ku Eedeeyay inuu Rabo inuu Isagu Waligiis iska Haysto Xukunka.Shariif Sheekh Axma...
19/09/2026

Shariif Sheekh Axmed ayaa Xasan Sheekh ku Eedeeyay inuu Rabo inuu Isagu Waligiis iska Haysto Xukunka.

Shariif Sheekh Axmad oo ahaa Madaxweynihii dowladdii ku meel gaarka hadana kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa isagoo ka hadlaya goob madal ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ujeediyay eedeymo kala duwan.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu doonayo in inta uu ka dhimanayo iska haysto xukunka, isagoo intaasi sii raaciyay in haddii ay yihiin mucaaradka tanaasul kasta oo ay sameeyeen ay Dowladda Fedaraalku ka diiday.

Is barbardhig noloshii Hargeysa iyo nolosha wllyaatka ee Abwaan abdiwaaxid gamacdiid
18/09/2026

Is barbardhig noloshii Hargeysa iyo nolosha wllyaatka ee Abwaan abdiwaaxid gamacdiid

Tiro Caruur ah ayaa ku Dhimatay Duqeyn ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka Fuliyeen Dalka Yeman.Wali waxaa dalka Yeman ka ...
18/09/2026

Tiro Caruur ah ayaa ku Dhimatay Duqeyn ay Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ka Fuliyeen Dalka Yeman.

Wali waxaa dalka Yeman ka soconaya tacadiyada joogtada ah ee ay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta kula kacayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha dalkaas.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxay maleeshiyaadkaan duqeymo ka geysteen magaalo katirsan gobolka Taciz, halkaas oo ay ku dileen tiro caruur ah.

Duqeynta oo shalay dhacday ayay maleeshiyaadka Xuuthiyiinta la beegsadeen guryo ku yaalla degmada Al-Wazaaciyah ee dhacda gobolka Taciz, waxayna halkaas ku dileen saddax caruur ah.

Sida ay ila wareedyo maxalli ah u sheegeen warbaahinta, saddaxda caruurta ah ayaa waxa ay ku baxeen duqeynta maleeshiyaadka Xuuthiyiinta, kuwaas oo ay da'doodu kala aheyd 14 jir, afar jir iyo canug yar oo laba sano jir ah.

25 sano ka weeraradii 11kii September waa sidee xaalka USA IYO AL-QAEDA?Maalin talaado ah taariikhdana ay ku beegnayd 11...
11/09/2026

25 sano ka weeraradii 11kii September waa sidee xaalka USA IYO AL-QAEDA?

Maalin talaado ah taariikhdana ay ku beegnayd 11kii September 2001 4 diyaaradood OO rikaab ah OO ka kicitamay meelo kala duwan OO Mareykanka ka mid kuna sii jeeday gobalka California ayaa lagu dhaaftay xarunta ganacsiga aduunka iyo wasaaradda difaaca Mareykanka
19 qof OO ka tirsan Al qaacida ayaa sidii xubka OO kale u adeegsaday Diyaaradaha
Diyaaradii 1aad ayaa abaaro 8:46AM waxaa lagu dhuftay Dhismaha waqooyi ee xarunta ganacsiga aduunka world trade centre waxaana gaaray khasaare Culus
Diyaaradii 2aad ayaa iyadana abaaro 9:03Am waxaa lagu dhuftay burjiga koonfureed ee Dhismaha isla xaruuntaas waxaana gaaray khasaare Culus
Diyaaradii 3aad ayaa abaaro 9:37Am iyana lagu dhuftay Dhismaha wasaaradda difaaca Mareykanka ee pentagon
Diyaaradii 4aad ahna tii ugu dambeysay ayaa abaaro 10:03Am iyana ku dhacday gobolka Pennsylvania ka Dib markii shaqaalihii iyo rikaabkii saarnaa diyaaradda ay isku dayeen inay Iska difaacaan raggii weerarka fuliyay
Weeradaas Mareykanka waxay gaarsiiyeen khasaaro aan Mareykanka marna maskaxdiisa gelin inay soo gaarayaan
Dhimashada ayaa gaartay 3,000 OO qof halka khasaaraha dhaqaale ay gaartay $40 BILLION
Ka Dib weeraradaas Mareykanka ayaa qorsheeyay duulaan uu ku qaado dalalka muslimiinta si uu uga aar guto uguna hortago weeraro hor leh
Mareykanka ayaa Dowladii xilligaas ee Afgaanistan waa Imaarada Islaamiga ah Afghanistan wuxuu ka codsaday inay usoo gacan geliyaan qofkii ka dambeeyay weeraradii 11kii September waa OSMAN BIN LADEN balse Imaarada ayaa ka biyo diidday inay qof muslim ah u gacan geliyaan dowlad gaalo
Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay qaadayso duulaan ay ugu magac dartay LA DAGAALANKA ARGAGAXISADA
7dii October 2001 Mareykanka ayaa duqeymo ku bilaabay dalka Afgaanistaan wuxuuna hadafkiisa ahaa in meesha laga saaro taalibaan iyo Al qaacida
madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka GEORGE W BUSH ayaa hadal u dhignaa sida tan " AMA ANAGA AYAAD NALA JIRAYSAA AMA ARGAGAXISADA AYAAD LA JIRAYSAA "
Amiirkii Imaarada ee xilligaas MULLAH MAXAMED CUMAR MUJAAHID ayaa isna yiri " ILAAHAY WUXUU INOO BALANQAADAY GUUL BUUSHNA WUXUU INOO BALANQAADAY GUUL DARRO HADDABA AYNU AGARNO LABADOODA KAN RUN SHEEGAYO"
sarkaal sare OO ka tirsan Mareykanka ayaa sannadkii 2007 sheegay inay madaxda sare ee Mareykanka amar ku bixiyeen in la weeraro 7 dal muslim ah OO kala ah Iraq, Iran, Lebanon, Syria, Libiya, Sudan, iyo Somalia.
Dhamaan dalalkaas ayaa maanta ku jira dagaalo wajiyo kala duwan leh OO ay ka dambeeyeen Mareykanka
Dagaaladaas Mareykanka uu ku qaaday dalalka muslimiinta ayaa sababay dhimashada in ka badan 4 Million OO muslimiin ah
Halka Mareykanka dhankiisa ay soo gaartay khasaare baaxad leh dhimashada askarta Mareykanka ee fagaaraha dagaalka ayaa gaartay in ka badan 15,000 askari halka 30, 000 askari ay iskood isu dileen maadaama ay u dulqaadan waayeen dhibaatooyinkii dagaalka kusoo gaaray
Sidoo kale Mareykanka ayaa dagaaladaas uga baxday lacag dhan $8 Trillion OO dollar
20 sano OO Mareykanka dagaal uu ka waday Afghanistan sannadkii 2021 ayuu Mareykanku isaga baxay Afgaanistan isagoo dulaysan OO guul darro dusha loo saaray waxaana Afghanistan dib ula wareegay Imaarada Islaamiga ah ee taalibaan
Sidoo kale Mareykanka ayaa la filayaa inuu dhamaadka sanadkaan 2026 isaga baxo Soomaaliya isaga OO aan xaqiijin hadafkiisa ee ahaa inuu Dhulka Soomaaliyeed ka tirtiro ku dhaqanka shareecada Islaamka iyada OO meelo badan OO dalka ka mid ah ay ku sugan yihiin xarakada Al-shabaab
Haddaba 25 sano ka Dib ku dhawaaqistii Mareykanka ee ahaa la dagaalanka argagaxisada OO dabcan uu ula jeeday Al qaacida
Maanta Al qaacida waxey faraacyo ku leedahay dalalka Afghanistan, Pakistan, Yemen, India, Somalia, Mali, Nijer, iyo Burkina Faso

10/09/2026

Diyaaradaha Turkiga ayaa duqeeyay dad shacab ah oo ku nool deegaano hoostaga magaalada Baydhabo

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Bayaan Kasoo Saaray Kamiin Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Calooshood u Shaq...
09/09/2026

Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Bayaan Kasoo Saaray Kamiin Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Calooshood u Shaqeystayaasha Ruushka oo ka Dhacay Gudaha Maali.

08/09/2026

Weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarumaha tamarta ee koonfurta Sacuudiga ayaa sababay dab & hakin lagu sameeyey qeybo kamid ah howlaha xarumaha shidaalka, iyadoo 73 qof la sheegay inay ku dhaawacmeen.

Weerarka Jizan ee xarumaha Saudi Aramco ayaa sidoo kale kordhiyay qiimaha shidaalka & walaaca ku saabsan helitaankiisa, taasoo cadaadis dheeraad ah ku keentay qiimaha saliidda caalamka.

Xigasho Gaylan media

Roobab Dabeyllo Wata oo ay Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa ka Da’ay Qeybo kamid ah Gobolka Bari.Wararka naga soo gaara...
08/09/2026

Roobab Dabeyllo Wata oo ay Dhimasho iyo Dhaawac Sababay ayaa ka Da’ay Qeybo kamid ah Gobolka Bari.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa ku warramaya in roobab mahiigaan ah ay shalay galinkii dambe ka da’een qeybo kamid ah gobolkaas, iyadoo ay roobabkaasi dadka ku sababeen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Sida ay warbaahinnada ka soo warrama gobolka Bari sheegayaan, roobabka gelinkii dambe ee maalintii shalay ka da’ay tuulo hoostagta degmada Qandala ee gobolkaas uu ku geeriyooday hal ruux, halka sidoo kale ay jirto waxyeello kala duwan oo soo gaartay dadka tuulada ku dhaqan.

Ilo-wareedyo ku sugan tuulada oo warbaahinta la hadlay ayaa waxay sheegeen, in ruuxa geeriyooday ay ahayd haweeney, sidoo kale waxay xaqiijiyeen in roobabkaan ay dabeyllo wateen, dhaawacyo fududna ay ka soo gaareen dhowr ruux oo kale, iyadoo ay xoolana ku dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa kacsan iyadoo ay dadka shacabka ah barkac sameynayaan.Magaalada Baydhabo ee xarunta gob...
06/09/2026

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa kacsan iyadoo ay dadka shacabka ah barkac sameynayaan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ah mid laga dareemayo saan saan colaadeed kadib dagaalladii maalmo kahor halkaasi ka dhacay, waxaana socda barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Baydhabo ka qaxay dad rayid ah oo ka baqaya in mar kale lagu dul dagaallamo, waxayna ubarakaceen goobo ay aamnisan yihiin iney nafahooda ammaan ku helayaan.

Maamulka la baxya Koonfur Galbeed isku dayay inuu dadkan barakacay si kasta uceliyo ayaa ku guuldarreystay arrintaasi, maadaama magaalada Baydhabo ay noqotay furi dagaal, maleeshiyaadkii Laftagareen ee soo weerarayna joogaan duleedkeeda

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay ku fashilantey maareyyta isbedelkii maamul ee magaalada looga saarey madadxii h**e maamulkaas abdiasiis laftagareen.

Beenta inay dambi tahay ma oga miyaa kuwaanWaxay duqeeyeen guryo dad shacab ah deggan yihiin Ilaahey mahadii wax dhimash...
05/09/2026

Beenta inay dambi tahay ma oga miyaa kuwaan
Waxay duqeeyeen guryo dad shacab ah deggan yihiin Ilaahey mahadii wax dhimasho ah ma jiraan Dhowr qof OO dhaawac ah iyo burbur soo gaaray guryihii ay shacabkaas deganaayeen

Address

Km5
Kabul

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abuu muscab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share