28/01/2026
Warku waa intan uun
Ninka weeraray Xildhibaanadda Ilhan Omar xilli ay ka qaybgaleysay kulan dadweyne oo ka dhacay Minneapolis ayaa la shaaciyay magaciisa.
sida ay qoreen qara ka mid ah warbaahinta ninkan ayaa lagu magacaabaa Anthony Kazmierczak, waa 55 sano jir.
Anthony Kazmierczak ayaa markii dambe lagu soo oogay dembiga weerar darajo saddexaad, waxaana la dhigay xabsiga.
Qoraal uu ku baahiyey baraha bulshada, Duqa Minneapolis, Jacob Frey, ayaa yiri: “Rabshad iyo cabsi gelin meel kuma laha Minneapolis. Waxaan is khilaafi karnaa annagoo aan khatar gelin dadka… Dabeecaddan noocaas ah laguma dulqaadan doono magaaladaheena.”
BBC samali News.