13/06/2025
Ma Jirtaa Iiraan Kamikaze U Diyaarsan?
Weerarada Kamikaze ee ay Japan adeegsaday xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxa ay ahaayeen tusaale lama ilaawaan ah oo ka mid ah naf-hurnimada ugu sarreysa ee qaranimo lagu saleeyay. Duuliyayaashii ismiidaamiyay waxay si bareer ah u galeen geeri iyaga oo aan wax shaki ah ku jirin, iyagoo u hibeeyay naftooda si ay ugu difaacaan qarankooda, una dhirbaaxaan cadow qoto dheer.
Maanta, marka la eego Iiraan iyo mowqifkeeda dagaal ee ay ka muujineyso gobolka iyo dunida guud ahaan, waxaa is weydiin mudan: ma diyaar baa Iiraan in ay la timaado go'aan naf-hurnimo u dhigma Kamikaze-yadii Japan? Mise waxay u taagan tahay hadallo kulul iyo hanjabaado maran oo aan ficil wax ku ool ah ku dhisneyn?
Haddii aysan Iiraan diyaar u ahayn in ay qaaddo tallaabooyin geesinimo leh oo dhab ah—sida weerarro si istiraatiji ah loo falkiyay, kuwaasoo aan laga laba labeyn khasaaraha la wajahayo—markaas waa in ay ka fiirsato luuqadda ay adeegsato.
Taariikhdu waxay ina baraysaa in guulaha milatari iyo siyaasadeed ee waaweyn aysan imaan karin iyadoo la adeegsanayo hadal kaliya. Waxay yimaadaan marka la muujiyo karti, dulqaad, iyo go'aan geesinimo leh, xitaa haddii uu khasaaro xambaarsan yahay. Haddii Iiraan ay weli isku aragto quwad goboleed ama mid caalami ah, waa in ay nafteeda tusisaa taas, si lamid ah sidii ay Japan u tustay dunida in dagaalku yahay wax loo dhinto, haddii qaranimadu sidaas ku badbaadayso.
Ahmed Ali Ahmed (Ahmeddeey)