17/07/2026
🕋 Alxamdulillaah!
Maanta waxaan si nabad ah uga ambabaxnay Garoonka Caalamiga ah ee Frankfurt, annagoo ku sii jeedna safarka barakeysan ee Cumrada, waxaana marka h**e gaari doonnaa Magaalada Madiina Al-Munawwarah. 🤲
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu naga aqbalo safarkeenna, noo fududeeyo cibaadada, naguna soo celiyo dalkeenna iyo ehelkeenna annagoo caafimaad qaba. Aamiin.
Waxaan sidoo kale dhammaan Muslimiinta ka codsaneynaa inay noo soo duceeyaan.
Labayk Allaahumma Labayk. 🤍🕋