23/06/2025
📌 Golaha Sare ee Amniga Iran oo war kasoo saaray weerarkii Qatar!
Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sheegay in weerarkii lagu beegsaday saldhigga Mareykanka ee Qatar uusan halis ku ahayn dalka Qatar iyo dadkiisa.
🔸 Iran waxay sheegtay in weerarka uu yahay jawaab u dhiganta weerarkii Mareykanku ku qaaday xarumo nukliyeer ah oo ku yaalla Iran.
🔸 Sidoo kale, waxay ku nuuxnuuxsatay in ay ka go’an tahay ilaalinta xiriirka "diirran iyo taariikhiga ah" ee ay la leedahay dowladda Qatar.
💬 Qatar, dhankeeda, waxay sheegtay in nidaamkeeda difaaca cirka uu si guul leh u qabtay dhammaan gantaalladii la soo tuuray.