20/07/2024
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, asxaabta iyo dariiqadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Sheekh Cismaan Xidig Sheekh Cumar Sheek Daa’uud Culusow oo ahaa caalim u go’ay faafinta diinta Islaamka iyo daryeelka dariiqadiisa. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa tiir wayn, iyo hoggaan dariiqo oo ay ka aflaxeen xer badan oo maanta kaalimo wax ku ool ah bulshada kaga jira.
Wuxuu ku tilmaamnaa suhdi, suubanaan, naxariis, iyo Alle-ka-cabsi. Danbigiisa Allaha dhaafo, qabrigiisana u waasiciyo, gadaashiina nama fidneeyo, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo qoyskiisa, xertiisa iyo ummada Soomaaliyeed. Aamiin