11/05/2025
May 12 - May 17:
Wararka Dhaqaalaha Mareykanka.
Dulmar iyo Faahfaahin
Talaado – May 13
15:30 waxaa la filayaa in la sii daayo xogaha muhiimka ah ee inflation-ka:
Core CPI m/m (Qiimaha maciishada oo laga saaray tamarta iyo cunnada): Saameyn sare ku leh suuqyada.
CPI m/m (Qiimaha guud ee maciishada bil kasta)
CPI y/y (Qiimaha guud ee maciishada sanad kasta)
Saddexdaan xog waxay yihiin kuwa saameyn weyn ku leh go’aamada Federal Reserve, gaar ahaan siyaasadda lacagta (interest rates).
Arbaco – May 14
12:15 – FOMC Member Waller Speaks: Mid ka mid ah xubnaha Guddiga Suuqyada Furan (Federal Open Market Committee) ayaa qudbad jeedin doona. Hadalkiisa waxa uu tilmaami karaa aragtida Fed-ka ee dhaqaalaha iyo heerarka dulsaarka.
Khamiis – May 15
15:30 – Xogo tiro badan oo muhiim ah ayaa lasoo bandhigi doonaa:
Core PPI m/m (Qiimaha wax-soo-saarka oo laga reebay Cunnada iyo Energy ga.
Core Retail Sales m/m (Iibka tafaariiqda oo laga reebay baabuurta iyo gaaska baabuurta)
PPI m/m (Qiimaha guud ee wax-soo-saarka bil.kasta).
Retail Sales m/m (Iibka guud ee tafaariiqda ee bil.kasta).
Unemployment Claims (Tirada dadka dalbanaya kaalmo dhaqaale shaqo la'aanta awgeed toddobaadkii mar)
Empire State Manufacturing Index (Heerka wax-soo-saarka gobolka New York).
Philly Fed Manufacturing Index (Heerka wax-soo-saarka gobolka Philadelphia).
15:40 – Fed Chair Powell Speaks: Guddoomiyaha Federal Reserve Jerome Powell ayaa jeedin doona qudbad. Hadalkiisu waa mid si weyn loo sugayo, waxna ka beddeli kara dhaq-dhaqaaqa suuqyada, gaar ahaan forex, crypto iyo stock market.
Jimco – May 16
17:00 – Waxaa la filayaa:
Prelim UoM Consumer Sentiment (Ra’yiga iyo kalsoonida macaamiisha ee jaamacadda Michigan)
Prelim UoM Inflation Expectations (Rajada macaamiisha ee ku aaddan sicir-bararka).
Gunaanad: Todobaadkan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu xogta culus ee saameeya dhaqaalaha Mareykanka, gaar ahaan wararka la xiriira CPI, PPI, Retail Sales, iyo hadallada Fed. Waxay si weyn u saameyn karaan qiimaha USD, saamiyada, iyo suuqyada crypto. Ganacsatada iyo maalgashadeyaasha waa in ay si dhow ula socdaan si ay go'aano xog ogaal ah u gaaraan.