14/05/2025
“18 May – Hal Qaran oo Midaysan iyo Maalin Laba Waji Leh “
Madxafka Qaranka Somaliland wuxuu si maamuus leh u xusayaa 18-ka May, maalin qaran iyo mid caalami ah oo si lama filaan ah isugu beegantay. Waa maalintii aynu dib u hanannay madaxbannaanideenna sanadka 1991, iyo sidoo kale Maalinta Caalamiga ah ee Madxafyada Adduunka – maalin loogu dabaaldegayo doorka madxafyadu ku leeyihiin ilaalinta dhaqanka, faafinta aqoonta, iyo dhisidda aqoonsiga bulshooyinka.
Madxafka Qaranka Somaliland waa qalbiga taariikhda qarankeena – waa halka lagu kaydiyo dhaxalka suubban, lagu xafido xusuusta jiilasha, lagana dhiso dareenka iyo damiirka bulsho ee aynu leenahay.
Maanta waa fursad aynu dib ugu milicsano:
• Halgankii aynu ugu soo dagaalannay xornimada iyo karaamada dadka Somaliland;
• Iyo kaalinta madxafku ku leeyahay ilaalinta hiddaha, kobcinta wacyiga bulshada, iyo horumarinta xidhiidhka jiilasha.
Madxafku waa halkudhigga qarannimada iyo codka xasuusta!
“18 May – A Day of Dual Significance, One Nation United!”
The National Museum of Somaliland proudly commemorates 18 May, a date of profound meaning for our people — marking both our National Day of Independence and the International Museum Day.
On this day, we reflect on:
• The reclamation of Somaliland’s sovereignty in 1991, a pivotal moment in our modern history;
• And the vital role museums play in preserving heritage, nurturing knowledge, and strengthening cultural identity across societies.
As the heart of Somaliland’s history and memory, the National Museum is more than a collection of artifacts — it is the voice of the nation, a bridge between generations, and a guardian of our collective legacy.
Today, we celebrate not only our past struggles and achievements, but also the power of cultural institutions to inspire, educate, and unify.