Mahad positive

Mahad positive Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mahad positive, Mogadishu.

06/11/2025

Caasimadda soomaaliyeed.

11 cayaaryahan Ee ugu fiicnaa aduunka 2025.
03/11/2025

11 cayaaryahan Ee ugu fiicnaa aduunka 2025.

Tacsi Tiiraanyo LehRabbi ha u naxariistee, waxaa lagu aasay Qabuuraha Barkadda Dhurwaa Dheere marxuum Xayle Faarax “Nuur...
29/10/2025

Tacsi Tiiraanyo Leh

Rabbi ha u naxariistee, waxaa lagu aasay Qabuuraha Barkadda Dhurwaa Dheere marxuum Xayle Faarax “Nuurre”, oo ka mid ahaa dadka wanaagsan ee cibaadada iyo akhlaaqda suubban lagu yaqaanay.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimaa’udiin, ehel, asxaab iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaas oo Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ku manaysto.

Rabbi ha u naxariisto marxuumka, Jannatul Firdowsna ha ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Alle ha ka siiyo qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tagay.

Aamiin, Yaa Rabbal Caalamiin.

Madaxtooyadda dalka oo XILKAQAADIS IYO MAGACAABIS ku samaysey caawa xafiiska Warbaahinta.Abdi aziz golfayare ayaa loo ma...
27/10/2025

Madaxtooyadda dalka oo XILKAQAADIS IYO MAGACAABIS ku samaysey caawa xafiiska Warbaahinta.
Abdi aziz golfayare ayaa loo magacabay agaasimaha warfaafinta. halka Maxamed aadan duugow laga qaadey xilka.

27/10/2025

Alxamdulillaah.
Waxaan safar shaqo ku tagnay degmada Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Shaqada safarka waxay ku saabsaneyd nidaamka loo yaqaan tamarta qoraxda (Solar Energy).

Mudane, ku soo dhowow DAARE ELECTRIC ⚡️ GROUP, oo kuula diyaara:
• Xisaabinta iyo rakibidda solar-ka si waafaqsan baahida gurigaaga ama goobtaada ganacsi,
• Cilad-bixinta iyo dayactirka korantada, si loo hubiyo amniga iyo hufnaanta adeegga,
• Kiro guryo iyo adeegyo dhisme oo casri ah, kuwaas oo fududeynaya noloshaada maalinlaha ah.

DAARE ELECTRIC ⚡️ GROUP waxay ku dadaalaysaa bixinta adeeg tayo sare leh, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideyso tamarta nadiifta ah ee deegaanka u roon.

26/10/2025
26/10/2025

.
Caawa iyo El Clásico

25/10/2025

Mareykanka ayaa diray markabka dagaalka USS Gerald R. Ford iyo maraakiib taageero ah oo ku sugan badda Caribbean-ka, si uu u muujiyo awooddiisa militari isla markaana uu xakameeyo ganacsiga maandooriyaha, sida uu sheegay xoghayaha difaaca ee Mareykanka.

Tallaabadan ayaa sii hurisay xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo dalka Venezuela.
USS Gerald R. Ford waa markabka dagaal ee ugu weyn uguna casrisan ee ay leedahay ciidamada badda Mareykanka. Wuxuu qaadaa ku dhowaad 4,500 oo shaqaale ah iyo 90 diyaaradood oo dagaal, waxaana uu ku shaqeeyaa nidaam nukliyeer ah.

Xaaladda kacsan ee u dhaxaysa Mareykanka iyo dalalka shuuciga ah ee Latin America ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo aan la saadaalin karin halka uu salka dhigi doono khilaafka sii fidaya ee dhinacyadaas.

Baabuurtaan oo dhawaan lagu dhacay meel udhow Cadaaso ayaa lagu guulaystay in dib loo soo celiyo kaddib howgallo ay same...
25/10/2025

Baabuurtaan oo dhawaan lagu dhacay meel udhow Cadaaso ayaa lagu guulaystay in dib loo soo celiyo kaddib howgallo ay sameeyeen Taliska booliska Qaybta Galgaduud iyo Booliiska Cadaado iyo Gallinsoor.

Gadiidkan oo laga lahaa Dagmada Caabudwaaq ayaa lagu wareejiyay Ganacsatadii lahayd.

21/10/2025

21 OKTOOBAR 1969 – MAALINTII KACAANKA SOOMAALIYEED

21 Oktoobar 1969 waa maalin taariikhi ah oo uu hoggaanka dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taasoo dhalisay Kacaankii Barakaysnaa ee 21-ka Oktoobar.

Intii uu xukunka hayey (1969–1991), waxaa dalka ka hirgalay horumar ballaaran oo dhanka af-soomaaliga, waxbarashada, caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah. Dowladdiisu waxay dhiirrigelisay wadaniyad, nidaam iyo isku duubni qaran, taasoo raad weyn ku reebtay bulshada Soomaaliyeed.

Dabadiisna dowlad wacan lama arag, ilaa haddana nidaam buuxa oo dalka si guud uga taliya lama helin.

Madaxweyne Siyaad Barre wuxuu ahaa hogaamiye dalkiisa jecel oo ku dadaalay horumar iyo midnimo Soomaaliyeed.

13/10/2025

Warbixin: Siyaasadda Soomaaliya oo Maraysa Xilli Xasaasi ah

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in doorashooyinka dowlad-goboleedyada Soomaaliya laga yaabo inaan la qaban xilligii loogu talagalay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uusan doonayn inuu dagaal siyaasadeed ku qaado dowlad-goboleedyada, balse uu oggol yahay in madaxda maamuladaas ay sii joogaan kuraastooda inta lagu guda jiro marxaladdan kala guurka ah.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray in go’aankan uu ka tarjumayo rabitaanka dowladda dhexe ee ah in laga fogaado xiisado siyaasadeed iyo iska hor imaadyo kale oo halis gelin kara xasilloonida dalka.

Markii la weydiiyay waxa dhici doona haddii aan doorashooyin la qaban bisha May 2026, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda aysan qaadi doonin eedda, balse ay masuuliyadda dusha ka saaran doonto mucaaradka, maadaama ay yihiin kuwa caqabadaha siyaasadeed abuura.

Dhanka kale, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid maraysa meel xasaasi ah. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa la sheegay inuu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ka codsaday inuu ka qayb qaato dadaallada lagu heshiisiinayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Tallaabadan ayaa muujinaysa halka uu qilaafka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada gaaray.

Si guud, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya waxay muujinaysaa is jiid-jiid u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, taas oo haddii aan xal waara laga gaarin, laga cabsi qabo inay dib u dhigi karto hannaan doorasho oo dalka ka dhaca waqtigii loo qorsheeyay.

Address

Mogadishu

Telephone

+252615343317

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mahad positive posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share