AfroAtlas - Somali

AfroAtlas - Somali AfroAtlas waa shirkad meel isugu keentay dhammaam adeegyada safarka sida tikidhada, hoteellada, iwm.

Waxay u adeegtaa wakiillada safarka (travel agencies) iyo hoteellada.

07/04/2023

EgyptAir oo ku soo biirtay shirkadaha caalamiga ah ee aad ka goosan karto AfroAtlas

Waxaan dhammaan macaamiisha AfroAtlas ugu bishaareyneynaa inay system-ka AfroAtlas ka goosan karaan shirkadda diyaaradaha ee EgyptAir.

Wixii faahfaahin ah ee aad u baahan tahay, fadlan nala soo xiriir.

AfroAtlas waa shirkad meel isugu keentay dhammaam adeegyada safarka sida tikidhada, hoteellada, iwm. Waxay u adeegtaa wakiillada safarka (travel agencies) iyo hoteellada.

Ramadaan KariimJimco Wanaagsan.Sheeg Sanadkii uu soo Islaamay Saxaabigii Cumar Ibnul Khadaab (RC) ?
24/03/2023

Ramadaan Kariim
Jimco Wanaagsan.

Sheeg Sanadkii uu soo Islaamay Saxaabigii Cumar Ibnul Khadaab (RC) ?

Ramadan kareem.Allaha naga aqbalo cibaadada bishaan.
22/03/2023

Ramadan kareem.
Allaha naga aqbalo cibaadada bishaan.

28/02/2023

Shirkadda diyaaradaha FlyDubai ayaa fududeysay isku-xirka duullimaadyada ka baxaya Muqdisho ee tagaya magaalooyinka:
- Hydrebad,
- Delhi
- Istanbul
- Ankara
Iyo magaalooyin kale.

Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in loo fududeeyo dadka ka dhoofaya magaalada Muqdisho ee u socda dalalkaas marka shirkaddu ay billowdo duullimaadkeeda imanaya Muqdisho.

Waxaad tikidhada FlyDubai ka goosan kartaa AfroAtlas platform oo ah suuqa ugu ballaaran Bariga Afrika ee adeegyada safarka.

AfroAtlas waa shirkad meel isugu keentay dhammaam adeegyada safarka sida tikidhada, hoteellada, iwm. Waxay u adeegtaa wakiillada safarka (travel agencies) iyo hoteellada.

FARRIIN KU SAABSAN DUULLIMAADYADA FLYDUBAI EE MUQDISHO  Laga billaabo 9ka bisha Maarso 2023, shirkadda diyaaradaha FlyDu...
23/02/2023

FARRIIN KU SAABSAN DUULLIMAADYADA FLYDUBAI EE MUQDISHO
Laga billaabo 9ka bisha Maarso 2023, shirkadda diyaaradaha FlyDubai waxay billaabi doontaa duullimaad maalinle ah oo tagaya, kana baxaya Muqdisho.
Waxaa farxad noo ah inaad tikidhada FlyDubai ka goosan karto AfroAtlas. Fadlan nala soo xiriir si lagugu sameeyo account u gaar ah shirkaddaada.

AFROATLAS IYO LUFTHANSA GROUP OO SOO BANDHIGAY ADEEG TIKIDHO QIIME JABAN AfroAtlas iyo Lufthansa Group ayaa maanta magaa...
13/10/2022

AFROATLAS IYO LUFTHANSA GROUP OO SOO BANDHIGAY ADEEG TIKIDHO QIIME JABAN

AfroAtlas iyo Lufthansa Group ayaa maanta magaalada Nayrobi ku soo bandhigay adeeg cusub oo ay labada shirkadood isaga kaashanayaan sidii farsamada casriga ah ee NDC la soo gaarsiin lahaa Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Barnaamijka cusub ee NDC ayaa u sahlaya macaamiisha AfroAtlas inay helaan qiimayaasha jaban ee NDC ee shirkadaha diyaaradaha ee ku bahoobay Lufthansa Group ee kala ah Lufthansa, Swiss, Austrian Airlines, Brussels Airlines iyo Eurowings.

Melford Ndungu oo ka socday Lufthansa Group ayaa munaasabadda ka sheegay in AfroAtlas ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay Bariga Afrika ee ay heshiis noocaan ah la galaan, iskana kaashanayaan sidii farsamadan casriga ah loo gaarsiin lahaa wakiillada safarka iyo guud ahaan musaafiriinta dooneysa inay ku socdaalaan shirkadaha ku bahoobay Lufthansa Group. Wuxuu xusay in qiiimayaasha laga heli doono barnaamijka AfroAtlas ay ka jaban yihiin kuwa laga heli karo nidaamka kale ee loo yaqaano GDS ee ay isticmaalaan inta badan wakiillada safarka (travel agents).

Marwo Agnes Mucuha oo madax ka ah Kenya Association of Travel Agents (KATA) iyo Mudane Anthony Ochieng oo madax ka ah Tour Operators Society of Kenya (TOSK) oo matalayay shirkadaha bixiya adeegyada safarka iyo dalxiiska Kenya ayaa munaasabadda ka sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkan, iyagoo ballanqaaday inay AfroAtlas kala shaqeynayaan sidii adeeggan loo gaarsiin lahaa dhammaan shirkadaha ka ganacsada safarrada iyo dalxiiska.

Ugu dambeyntii, Maamulaha Guud ee shirkadda AfroAtlas, Axmed Ugaas, ayaa u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda furitaanka adeegga NDC ee Lufthansa Group. “Farxad weyn ayay noo tahay in aan soo bandhigno adeeggan. Dhiirrigelin weyn ayay noo tahay in shirkadaha diyaaradaha gobolka iyo kuwa caalamiga ahba ay noo doorteen inaan kala shaqeyno sidii aan adeegyadooda u gaarsiin lahayn qaaradda Afrika iyo adduunka intiisa kaleba” ayuu yiri Axmed Ugaas oo intaasi ku daray “Inkastoo xarunteenu tahay qaaradda Afrika, haddana adeegyadeena waxaa ka faa’iideysan kara cid kasta oo dooneysa inay sii iibiso tikidhada Lufthansa Group iyo diyaaradaha kale ee aan xiriirka la leenahay. Adeeggeena waa mid aan xuduud lahayn oo ay ka faa’iideysan karto cid kasta oo ku jirta ganacsiga safarka iyo dalxiiska meel kasta oo ay joogto.”

Waxaan ka qeybgaleynaa Carwada Safarka iyo Dalxiiska ee Afrika oo ka socota Carnivore Grounds, Nayroobi inta u dhexeysa ...
24/09/2022

Waxaan ka qeybgaleynaa Carwada Safarka iyo Dalxiiska ee Afrika oo ka socota Carnivore Grounds, Nayroobi inta u dhexeysa 24ka illaa 27ka Sebtembar 2022. Fadlan nagu soo booqo halkaas si lagugu furo system-ka AfroAtlas.

22/09/2022
AFROATLAS IYO ETHIOPIAN AIRLINES OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS TAARIIKHI AHShirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airlines (ET) ...
22/09/2022

AFROATLAS IYO ETHIOPIAN AIRLINES OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS TAARIIKHI AH

Shirkadda Duullimaadyada Ethiopian Airlines (ET) iyo Shirkadda Afro Atlas ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi ah oo ay labada shirkadood kaga wada shaqeynayaan arrimaha teknolojiyada iyo suuq-geynta adeegyada shirkadda diyaaradaha Ethiopian Airlines.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay sidii shirkadaha tikidhada jara (travel agents) ee Afrika iyo adduunka intiisa kaleba loogu soo xiri lahaa barnaamijka cusub ee lagu magacaabo NDC (New Distribution Capability), kaas oo ay dhowaan hirgelisay shirkadda ET. Barnaamijka NDC ayaa beddelaya barnaamijyadii ay diyaaradaha caalamiga ku iibin jireen tikidhada in ka badan muddo nus qarni ah.

Maamulaha Xafiiska Nayroobi ee Shirkadda Ethiopian, Marwo Seble Wongel, oo heshiiska u saxiixday Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta shirkadda AfroAtlas oo noqotay shirkaddii ugu horreysay ee fadhigeedu yahay qaaradda Afrika ee si toos ah ugu xiranta nidaamka cusub ee NDC (New Distribution Capability), kaas oo ka casrisan barnaamijkii ay shirkaddu h**e ugu shaqeyn jirtay.

Maamulaha Guud ee AfroAtlas, Axmed Ugaas, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus u leh guud ahaan adeegyada teknolojiyada ee gaadiidka cirka ee qaaradda Afrika iyo gaar ahaan shirkadda AfroAtlas -ba.

“Waxaa sharaf iyo taariikh ba noo ah inaan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee si toos ugu xiranta barnaamijka cusub ee NDC ee Ethiopian Airlines, kaas oo hawada soo galay dhowr bilood ka hor,” ayuu yiri maamulaha AfroAtlas oo intaas ku daray “In aan noqonno shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee wada-shaqeyn noocan ah la yeelata Ethiopian Airlines waxay muujineysaa sida diyaaradaha caalamiga ah ay ugu kalsoon yihiin farsamada iyo qorshayaasha shirkadda AfroAtlas.”

Ku Saabsan AfroAtlas
Shirkadda AfroAtlas, waa shirkaddii ugu horreysay ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee meel qura isugu keentay adeegyada kala duwan ee safarka iyo dalxiiska. Waxaad hal meel ka wada heli kartaa adeegyada tikidhada diyaaradaha, hoteellada, caymiska safarka, gaadiidka la kireysto, dalxiiska, iwm.

Ku Saabsan Ethiopian Airlines

Shirkadda Ethiopian Airlines waa shirkadda ugu ballaaran qaaradda Afrika dhinaca rakaabka ay qaaddo, tirada diyaaradaha iyo magaalooyinka ay u duusho. Horraantii sanadkan 2022 ayay hirgelisay barnaamijka NDC, waxaana h**e ugu xirnaa shirkado ku kala yaalla qaaradaha Yurub, Ameerika, iyo Aasiya. Hase yeeshee AfroAtlas ayaa noqotay shirkaddii ugu horreysay ee Afrikan ah ee toos ugu xiranta Ethiopian Airlines NDC.

Address

Maka Almukarramah, Dabka, Waaberi
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AfroAtlas - Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category