09/09/2024
Liibiya; warshadaha hub oo mar kale hub ku daabulaya
Dalka Liibiya ee ku yaalla gobolka maqrib ee waqooyiga Afrika ayaa mar kale laga digaya inay dagaallo dib uga qarxaan, kaddib afar sanno oo ay ka jirtay xasillooni. Tani waxay salka ku haysa khilaafka ka soo bilowday isbeddel maamul oo lagu sameeyay maamulka Bankiga dhexe ee Liibiya, oo lagu eedeyay inay xiriir la leeyihiin hoggaamiyaha bariga Liibiya, Jen. Khalifa Haftar oo gacanta ku haya ceelasha shidaalka iyo saliidda ee dalkaa, waxayna dhankooda xil ka qaadista maamulka Bankiga dhexe uga jawaabeen inay joojiyeen soo saarista iyo dhoofinta shidaalka , taa oo xaalad dhaqaale xumo gelisay guud ahaan Liibiya.
Kala qaybsanaanta Liibiya;
Liibiya, ayaa hadda ah dal u kala qeybsan saddex maamul oo ay ugu xoogganyihiin dawladda uu caalamka aqoonsanyahay ee Turkiga uu taageerro oo fadhigeedo yahay Tripoli oo ku taal galbeedka Liibiya iyo dhinaca bari oo ah goobta ugu muhiimsan Liibiya oo ay ku yaalaan ceelasha shidaalka oo uu maamullo Jen. Khalifa Haftar . Labada dhinac ayaa heshiis ku ahaa qaybsiga khayraadka, sababtoo ah Haftar oo shidaalka gacanta ku haya wuxuu u baahnaa Bankiga dhexe oo ku yaalla Tripoli, maaddama shidaalka ay iibinayaan uu u baahanyahay lacagta in lagu shubo Banki dhexe oo la aqoonsanyahay, taa ayaa ah sababta fududeysay in khayraadka ay qeybsadaan labada dhinac. Balse , wax walba waxay ka gudbeen khadka markii dawladda Tripoli ee uu hoggaamiyo, Abdul Hamid Dbeibeh ay shaqada ka saartay guddoomiyihii Bankiga dhexe , Sadiq al-Kabir oo ka soo jeeda bariga, kaasoo lagu eedeyay inuu dhaqaalo badan siiyay maamulka militariga ah ee uu hoggaamiyo , Jen. Khalifa Haftar , xaaladan oo ku khasabtay guddoomiyaha Bankiga dhexe inuu u baxsado bariga si uu uga fogaado inay xirto dawladda Tripoli, mar uu sharraxayay Kabir , sababta uu lacagta badan u siiyay maamulka bariga , wuxuu sheegay inuu ka hortagayay lacago been abuur ah oo ay maamulkooda daabaceen, iyagoo ka hortagaya xaalad dhaqaale oo ay wajahayeen, si loo dhimo sicir bararka , meeshana looga saaro lacagaha been abuurka ah, wuxuu ku wareejiyay lacagtii ay dalbanayeen militariga.
Si kastaba ha ahaatee, hadda xaaladda ayaa u muuqata inay ka dhalan karto iskuday dagaal oo mar kale uu Jen. Khalifa Haftar ku weerari karo Tripoli, wax walbana inay xaalad khatar ah u gudbayaan waxaa soo muujiyay Turkiga oo taageerra maamulka Tripoli, kaddib markii labo maalin ka hor uu Tripoli tagay taliyaha Hay’adda sirdoonka Turkiga, Ibraahim Kalin oo la sheegay inuu uga digay maamulka Tripoli , dhaqdhaqaaqyada Jen. Khalifa Haftar, markaa oo uu xaqiijiyay Turkiga inay ka go’antahay taageerrada xasilloonida iyo midnimada Liibiya.
Turkiga , wuxuu ahaa ciddii ka celisay Jen. Khalifa Haftar inuu qabsado Tripoli, isagoo ku dhow inuu Jeneraalkan ay taageerto Imaaraadka Carabta inuu la wareego guud ahaan Liibiya, waxaa soo farageliyay Turkiga oo dib uga celiyay inuu gaaro Tripoli, kaddib howlgal militari oo sumcad badan uu ku helay Turkiga iyo diyaaradihiisa aan duuliyaha lahayn oo surageliyay inay dhul ballaaraan gacanta u geliyaan maamulka uu hoggaamiyo, Abdul Hamid Dbeibeh.
Faragelinta oo sare martay;
Xaaladda Liibiya, waxaa uga sii daraya faragelinta shisheeye, iyadoo warshadaha caalamka ee hubkana ay si naxariis darro ah hubkooda u geynayaan Liibiya, hadda Ruushka iyo Shiinaha ayaa la sheegay inay hub badan oo gantaallo iyo diyaaraddo aan duuliyaha lahayn inay gacanta u geliyeen Jen. Khalifa Haftar, iyagoo u adeegsanaya hab dhaqaale oo ay uga iibsanayaan hubka, xaaladan ayaanna soo muujisay walaaca laga qabo dagaal dib uga qarxa Liibiya.
Liibiya mar waxay ahayd dalka ugu nolasha wanaagsan Afrika , dal dadkiisa ay heli jireen daryeel caafimaad iyo waxbarasho lacag la'aan ah, oo ay u dheertahay qoysaska aan dhaqaalaha heysan inay dawladda siin jirtay kab dhaqaale, si looga fogaado qof Liibiyaan ah inuu ka dhaco xariiqinta faqriga, laakin wax walba waxay is beddeleen , markii isbahaysiga NATO ay duulaan ku qaadeen Liibiya, si ay xukunka uga tuuraan madaxweynaha muddada dheer dalkaasi ka talinayay ee Mucammar Al-Qadaafi, Oktoobar sanadkii 2011. Si indho la’aan ah dadka Liibiya ayaa howlgalkaa taageerray, taasoo barwaaqadii ay ku jireen u rogtay qaxar iyo gaajo.
Madaxweynihii h**e ee Maraykanka Barack Obama, oo wareysi laga qaaday bishii April ee sannadkii 2016-kii, ayaa sheegay in qaladkii ugu xumaa ee maamulkiisa uu ahaa in uu ku guuldareystey in uu la isu diyaariyo waxa dhici kara marka laga takhluuso Qadaafi. Waxa uu jahawareerka Liibiya qayb ahaan ku eedeeyay Ra'iisal wasaarihii Ingiriiska ee xilligaasi David Cameron oo uu sheegay in uusan wax weyn ka caawin waddanka Liibiya. Sababta uu tan u sheegayo waa in NATO ay ku fashilantay inay ka dhisaan dalkaa maamulkii ay doonayeen , markii ay xakameyn waayeen xaaladda dalka ku yaalla waqooyiga Afrika , way isaga baxeen iyagoo aan dib usoo eegin!
゚