21/08/2026
𝐒𝐀𝐅𝐀𝐑𝐊𝐀 𝐃𝐈𝐁-𝐔-𝐒𝐎𝐎-𝐍𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐌𝐀𝐋𝐈 𝐀𝐈𝐑𝐋𝐈𝐍𝐄𝐒 🇸🇴✈️
Waxaa dib u billowday safar cusub oo taariikhi ah, kaas oo horseedaya rajo, horumar iyo guul ay Soomaaliya leedahay.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinaynaa taageeradooda, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, oo 1-da May 2025 magacaabay Maareeyaha Guud ee shirkadda qaranka Somalia Airlines, Mr. Abdullahi Iimaan Afrax.
Halkaas ayuu ka billowday dadaal cusub oo xooggan oo loogu jiro dib-u-soo-nooleynta, horumarinta iyo dib-u-dhiska Somalia Airlines.
Maareeyaha Guud wuxuu 1-da Agoosto 2025 dalka keenay shirkadda Lema Air Group, oo ku takhasustay iibinta iyo kiraynta diyaaradaha Waxaa lala galay heshiis ku saleysan Rent-to-Buy (Lease-to-Own), kaas oo ujeeddadiisu tahay in Soomaaliya ay yeelato 2 diyaaradood uu qaranka si rasmi ah u leeyahay.
Sidaas ayuu ku bilowday safarkii dib-u-soo-nooleynta Somalia Airlines—safar aan rajaynayno inuu horseedo guul dhaqaale, isku-filnaansho, shaqo-abuur iyo horumar weyn oo ay gaarto shirkaddeenna qaranka.
𝐆𝐨𝐨𝐫𝐦𝐚 𝐀𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐮 𝐃𝐢𝐛 𝐔 𝐁𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚?
Waxaa jirta rajo wanaagsan oo ku aaddan dib-u-bilaabashada shaqada Somalia Airlines.
waxaa la filayaa in hawlaha shaqadu dib u bilaabmaan 15-ka Sebtembar 2026, iyadoo la hiigsanayo in hawlaha iyo qorshayaasha shirkaddu si buuxda u dhammaadaan 15-ka Nofeembar 2026.
Maadaama la dhammaystiray qayb weyn oo ka mid ah shaqadii iyo hawlihii diyaar-garowga Somalia Airlines, waxaa sii kordhaya rajada ah in shirkadda qaranku dib ugu soo laabato hawada iyadoo Soomaaliya u horseedaysa horumar, isku-xirnaan iyo fursado cusub.
𝐅𝐮𝐫𝐬𝐚𝐝 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐭𝐚𝐥𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐚𝐥𝐢𝐧𝐲𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝
Waxaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee aqoonta iyo xirfadda leh u xaqiijinaynaa in marka shaqaalaysiintu bilaabato, la siin doono fursad ku saleysan aqoontooda, kartidooda iyo khibraddooda, iyadoo la doonayo in shaqaalaysiintu ay bilaabato ka hor dhammaadka sanadkan.
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐀𝐢𝐫𝐥𝐢𝐧𝐞𝐬 𝐰𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧
Waxaan sidoo kale si cad u xaqiijinaynaa in aysan jirin shirkad ama shaqsi gaar ah oo la siiyay saamiga shirkadda qaranka Somalia Airlines.
Wararka sheegaya in shirkad ama shaqsi gaar ah la siiyay saamiga Somalia Airlines waa warar aan sal iyo xaqiiqo ku fadhinin. Sidoo kale, ma jirto meel rasmi ah oo lagu sheegay taariikh go'an oo Somalia Airlines ay shaqadeeda dib ugu bilaabayso maadaama ee tartan lagali doonto shirkaddo badan.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay kala saaraan xogta rasmiga ah iyo wararka aan la xaqiijin.
Soomaaliya Soomaali baa leh🇸🇴🇸🇴.
𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐀𝐢𝐫𝐥𝐢𝐧𝐞𝐬 𝐰𝐚𝐚 𝐚𝐬𝐭𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐫𝐚𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐮𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 & 𝐝𝐮𝐮𝐥𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.